U bood dhigaalka

7 ka mid ah Saraakiisha Shabaab oo lagu dilay Howlgallo ka dhacay Jubbaland

Ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgallo ay fuliyeen gobolka Shallaha gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Ugunji oo hoostaga magaalada Janaale ayaa lagu bartimaameedsaday goobo maxkamado u ahaa Shabaab

Howlgalkaaan ayaa waxa inta uu sicday in lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo tiro askar ah oo la socotay, dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay hoggaamiye lagu magacaabo Usaame oo deegaanka Ugunji u qaabilsanaa Al-shabaab iyo Cadnaan oo ahaa hoggaamiye kale sida la shaaciyay.


Sidoo kale ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah oo ay iska kaashadeen ayaa howlgal ka fuliyay deegaan lagu magacaabo Yaaq-dabeel ee gobolka Jubbada Hoose aoo lagu beegsaday koox ka tirsan Al-shabaab oo isku abaabulayay deegaankaasi si ay

weerar usoo qaadaan sida la sheegay.
Dowladda federalka ayaa sheegtay in howlgalkaan inta uu socday lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo laba ruux ah tiro kalena lagu dhaawacay, howlagalkaan ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha dalka u uku sugan yahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose halkaas oo uu maanta gaaray.

Ciidamada cirka ee dowladda Mareykanka oo taageera ciidanka dowladda ayaa maalmihii tagay waxa ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka Al-shabaab, waxaana dhowaan sidaan oo kale howlgallo ay uga dhaceen magaalooyin dhaca deegaannada Hirshabeelle iyo Galmudug oo howlgallo ay ka socdaan.