U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Qaahira uga qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Dhaqaalaha iyo Maaliyadda dalalka Carabta

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Qaahiro ee Caasimadda dalka Masar uga qeyb galay shirka 131-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkan looga wada hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Wadamada Carabta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda dalalka iyo heyโ€™adaha Maaliyadda carabta ee shirka ka soo qayb galay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomalaiya ayaa faah faahin ka bixiyay horumarka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya iyo guushii hannaanka deyn cafinta ee dhawaan soo gaba gabeeyay. Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliyay dalalka iyo Heyโ€™adaha Maaliyadda Carabta dadaalkii ay ka qeyb qaateen ee horumarinta Maaliyadda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxa ka qeybgalaya madaxda Hey’addaha dhaqaalaha Adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Islaamka.