U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qeybgalay Furitaanka Shirka 37-aad Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay furitaanka Shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali Karin, waxaana arrintaas ay dhalisay xiisad u dhaxeysa labada dowladood oo aad u cakirantay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale Addis Ababa uga qeybgali doona laba shir oo ay kala yeelanayaan madaxda urur-goboleedka IGAD iyo madaxda dalalka ku jira bulshada Bariga Afrika, oo looga hadlayo arrimo kale duwan.