U bood dhigaalka

Adis Ababa: Ra’iisulwasaare Kuxigeenka Soomaaliya Oo Fadhiga Midowga Afrika Ka Cambaareeyay Falalka Guracan ee Itoobiya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay Kulan madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika ayaa u jeediyay xubnaha Ururka Midowga Afrika in si wadajir ah ay u cambaareeyaan ujeeddooyinka gurracan iyo dhulballaarsiga ay Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto dhulka Soomaaliya.


Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa si adag uga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya, isagoo madaxda u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in lagu soo xadgudbo midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda soomaaliya.


Mudane oo ku dheeraaday xaaladda gobolka ayaa baaq u diray ururka midowga Afrika isaga oo yiri “Waxaan ugu baaqayaa golaha sharafta leh in ay nagula biiraan cambareynata iyo ka hadalka falkaas gardarada ah ee kasoo horjeeda mabaadida aas-aasiga ah ee ururkan aan kawada midka nahay” .


Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Waxa aan soo gabagabaynay Wajigii 1aad & 2aad ee bixitaanka ciidamada ATMIS oo ka kooban 2,000 iyo 3,000 oo askari in la dhimo, 24ka Juun waxa aan rajaynaynaa dhimis kale taas oo wadarta ka dhigaysa in ka yar 9,500 oo askari” Ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac.


Tallaabadaan ayuu sheegay in ay sii xoojiyay kaddib markii ciidamada Soomaaliya ay horumar ka sameeyeen dhinacyada sugidda Amniga Dalka, dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo in ay qaadeen tallaabooyin la mahdiyay oo dhanka hormarka ah, hadalkiisa ayaa imaanaya xilli gobolka ay ka taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya