U bood dhigaalka

Somaliland:Golaha Wakiillada oo Meelmariyay Xeerka Doorashooyinka

Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay xeerka doorashooyinka, kadib kulan ay manta yeesheen,  Xildhibaanno gaaraya 59 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa u codeeyay meel marinta xeerka doorashooyinka Somaliland, 12 mudane ayaa diiday, majiro wax kabel lagu sameeyay

Sida xeerka Golaha uu qabo sidaas ayuu ansax ku yahay xeerka loo codeeyay maanta, waxana shalay isla xeerkan si aqlabiyad ah ugu codeeyay Golaha Guurtida, Xeerkan ayaa u gudbi doona Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si uu u sixiiso kadibna uu meel mar u noqdo xeerkaan lagu heshiiyay dhowaan.

Xeerka doorashooyinka isa saaran ee Somaliland ayaa muddaba dood iyo murano badan ka jireen, haddiise uu ansixiyo Madaxweynuhu, halkaas ayay doodu ku soo dhammaan doontaa, oo waxa toos loo gali doonaa ol’olaha doorashada Madaxtooyada iyo tan ururrada oo la filayo in ay dhacdo sanadkaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo labada gole ee GUurtida iyo Wakiillada ayaa hore in badan isugu qabtay xeerkaan iyadoo ugu dambeyn waxkabedel lagu sameeyay golaha iyo xisbiyadu ay aqbaleen, waxaana ugu dambeyn manta uu noqday mid dhaqan dhalay goleyaasha ka wada gudbay.