U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shaaciyay Muddada uu Soconayo Heshiiska Baarlamaanku Ansixiyay

Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska uu maanta ansixiyay Baarlamaanka labadiisa Aqal uu muhiim u yahay difaaca badda iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalka, isaga oo sharaxay muhiimadda uu leeyahay.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin kalluumeysi sharci darro ah, in ay isticmaasho argagixisada, burcad badeeddu ay ka duusho,wasaqdana lagu qubo, balse haatan ay heleen cid ay ku aaminaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu socon doono 10 sano, muddadaasna la dhisi doono lana qalabayn doono ciidanka badda Soomaaliya ” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah dalkeena oo aan laga faaiideysan wali sidii loo baahnaa.

Madaxweynaha ayaa heshiiskaan lagu wadaa inuu dhowaan uu saxiixo kadib markii uu kasoo gudbay labadiisa gole, heshiiskaan ayaa noqonaya midkii ugu weynaa oo ay wadagalaan laba dowladood tan iyo heshiiskii 2013 ee lagu dhisay dhismaha tabarka ciidamada ee Turkysom.