U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Socda Hey’adda Socdaal Soomaaliya oo Kulamo UK Kula Qaatay Dhiggooda Ingiriiska

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa kulamo wax ku ool ah la qaatay Masuuliyiin  sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, tan Dibadda, Xafiiska baasaboorka iyo Xarunta lagu daabaco baasaboorka ee dalka Uk.

Kulamada ayaa waxaa diiradda lagu saaray aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, wadashaqeynta labada dal ee dhanka socdaalka iyo Horumarinta xirfadda saraakiisha HSJ, waxaana muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ay waday dadaallada ku aadan sidii Baasaboorka Soomaaliga uu dib ugu soo laaban lahaa caalamka una heli lahaa aqoonsiyo calami ah.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda ayaa xoogga saaraysa iskaashiga caalamiga ah oo ay la leedahay Hay’adaha dhiggeeda ah ee dunida, taas oo ujeedkeedu yahay in sare loogu qaado awoodda baasaboorka Soomaaliyeed iyo in laga wadashaqeeyo arrimaha socdaalka.