U bood dhigaalka

Kumaandooska Soomaaliya oo Ka Qeybgalaya Dhoolatus Milatari oo Dalka Dibaddiisa ah, Kadib 33 Sano

Ciidamo ka tirsan kwa sida gaarka ah u tababarran ee kumaandooska Danab ee Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray dalka Kenya, waxaana halkaas ay kaga qeyb gali doonaan dhoolatus Milatari oo ay sameyn doonaan, bolaal askari oo kala socoto wadamada Qaaradda Afrika oo Kenya ka dhaya.

Askarta Danab ee Soomaaliya ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee dhoolatus milatari dalka dibaddiisa uga qaybgala, tan iyo markii ay burburtay dawladdii Milatariga aheyd 1991-kii oo ciidankeedu Afrika uu ka ahaa quwad muuqata, Danab ayaa ah ciidanmka ugu Tayada sareeya xoogga dalka.

Taliyaha ciidanka Milatariga Soomaaliya Janaraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa ku booriyay ciidanka Soomaaliya in ay muujiyaan karti dheeraad ah oo ay kasoo dhex muuqdaan boqolaalka askri ee qeybta kala ah dhoolatusta, isaga oo xusay inuu ku kalsoon yahay tabarbarka ay qabaan Danab.

Taliyaha ayaa sidoo kale askarta u sheegay in Soomaali ay ka sugeyso in magac iyo sumcadba ay kasoo hooyaan dhoolatuska ka dhacaya Kenta, xilli uu ka sagootinayay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, dhoolatuskaan ayaa waxaa korjoogto ka ah qubaro ka kala socota Mareykanka iyo Uk.

Ciidamada Danab ee Soomaaliya ka socda ayaa ah Kumaandooska ugu tabarka sareeya, waxaana sanad walba ku biira askar cusub, tabarkooda iyo qalabeyntooda ayaa waxaa gacanta ku haya Mareykanka oo saldhig ku leh xarunta Biladoogle ee gobolka Shabeellaha hoose oo Danab talis u ah.