U bood dhigaalka

Madaxda Masar iyo Eritrea oo Wadajir u Sheegay Muhiimadda Ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Sheeko:Caalamka

Madaxweyneyaasha dalalka Masar iyo Eritrea oo kulan ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa siweyn uga wadahadlay xaaladda gobolka, iga sheegay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.


Madaxweyne Isaiah Afewerki ayaa sabtidii booqasho rasmi oo 3 maalin ah ku gaaray caasimadda Masar ee Qaahira kadib casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Cabdifitaax Alsisi, labada dhinaca ayaa aad uga hadlay xaaladda dagaalka Sudan iyo Soomaaliya.


Go’aanka labada madaxweyne ayaa muujinaya saameyn ka dhgalan karta ficilkii ay ku kacday dowladda Itoobiya iyo damaceeda badda cas, waxaana ay si cad u sheegeen in ay garab istaagayaan midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.


Madaxweynaha Soomaaliya oo dhowaan wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay isdifaaci doonto haddii dowladda Itoobiya ay qaado tallaabo ku aadan heshiiskii ay la gashay Somaliland ayna isku daydo in ay dhaqangaliso.


“Haddii ay Itoobiya ku adkaysato, Soomaaliya way iska celinaysaa oo way diidaysaa, Haddii ay dalka soo galaan, Soomaaliya waxay sameyn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karto.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waresiga uu siiyay wakaaladda Reuters.


Kulanka madaxweynaha Masar iyo Eritrea ayaa imaanaya xilli labada mas’uul ay kamid ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee diiday heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ku dhaqaaqday, waxaana ay ballanqaad u sameeyeen dowladda oo ah in ay garab istaagidoonaan marwalba.