U bood dhigaalka

Wasiirka Cadaaladda oo Booqday Xarunta Cilmibaarista iyo Garsoorka Dowladda Qatar

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa booqday Xarunta Cilmi-baarista qaanuunka iyo Garsoorka dalka Qatar, waxaana Madaxda xarunta, cilmi-baarayaasha iyo hawlwadeennada warbixin dhamaystiran ka siiyeen shaqada xarunta iyo hannaanka ay u shaqeyso.

Wasiir Xasan Macallim oo sidoo kale booqday xarunta diiwaan-gelinta iyo nootaayooyinka dalka Qatar, ayaa madaxda iyo howl-wadeennada maamula ka dhegaystay warbixin ku sahabsan qaabka casriga ah ee loo maamulo arrimaha diiwaan-gelinta iyo hubinta nootaayooyinka.

Mudane Xassn Macallim ayaa ka waraystay sida dowladda Qatar u sameyso wacyi-gelinta qaanuunka, tababaridda shaqaalaha qaanuunka ee dawladda, maamulka nootaayooyinka iyo heshiisyada,

Wasiir Xasan Macallim oo dowladda Qatar  ku ammaanay horumarka ballaran ee dhinaca kaabayaasha caddaaladda iyo garsoorka, ayaa sheegay in Soomaaliya u baahantahay inay ka faa’iidaysato khibradda dalalka saaxiibka ah inta ay ku jirto geeddi-socodka dhismaha qaranka.