U bood dhigaalka

Askari Mareykan ah oo Isku Gubay Bannaanka Saafaaradda Isra’el ee Waashinton DC

Sheeko:Caalamka

Askari Amrican ah oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray, kadib markii uu isku gubay safaaradda Isra’el irideeda hore ee Mareykanka, sida ay sheegeen booliiska magaalada Washington, DC Isniintii.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Bushnell oo 25 jir ah uu si toos ah uga soo muuqday bartiisa bulshada ee Twitch, wuxuuna ku dhawaaqayay inuusan ku lug yeelan doonin xasuuqa reer Falastiin lagu hayo ka hor inta uusan isku gubin Axadii.

Bishii Disembar, qof mudaaharaadayey ayaa isku gubay bannaanka qunsuliyadda Israa’iil ee magaalada Atlanta ee dalka Taliyaaniga, Calanka Falastiin ayaa goobta laga helay, waxaana falkan la rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah dhacdadaasi.

Tan iyo weeraradaas, Israa’iil waxa ay hawada, dhulka iyo badda ka duqaysay dhulka falastiiniyiinta, waxayna duullaan dhulka ah ku qaadday. In ka badan 29,000 oo qof ayaa lagu dilay weerarka Israel, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa ka dhigay in inta badan dhulkaasi uu burburo waxaana uu barakiciyay in ka badan 80 boqolkiiba dadkeeda, waxaana ku nafwaayay kummanaan dad ah oo reer Falastiin ah oo inta soo hartay ayaa qarka u saran macluul.

Community Verified icon