U bood dhigaalka

Magaalada Kismaayo oo Lagu Soo Gabagabeeyay Shirka Garsoorka Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maalmo kadib waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka hormarinta arrimaha Garsoorka oo muddo sedex maalin ah ka socday Kismaayo, waxaana gabagabadii laga soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan wixii lagu heshiiyay.

Shirka garsoorka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana muddo sedex maalin ah uu socday looga hadalay arrimo badan waxaana furay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo gabagabadii shirka laga soo saaray war-saxaafadeed.