U bood dhigaalka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Shir Uga Qeybgalay Magaalada Doha

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa Dalka Qadar ee magaalada Dooxa uga qeybgalay shirka Golaha Bariga dhexe ee Tayada iyo badqabka Daryeelka Caafimaadka (Middle East Forum on Quality and safety in Health care).

Shirkani ayaa ahmiyad gaar ah siinayey sidii loo horumarin lahaa Tayada iyo badqabka daryeelka Caafimaadka si kor loogu qaado daryeelka bulshooyinka dalalka qeybta ah ah madashan baaxadda leh, inta uu shirkan socday ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden waxaa uu kulan doceedyo kala duwan la yeeshey Wasiirada dhiggiisa ah ee dalalka aan saaxiibada nahay.

Si gaar ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa u kulan mira dhal ah la yeeshay dhiggiisa Dalka aynu walaalaha nahay ee Qadar Dr. Hanan Mohammed Al-kuwari, labada Dowladood ayaa dib u eegis ku sameeyey heshiiska horumarinta iyo dib u dhiska Caafimaadka dalkeena Soomaaliya oo baahi weyn u qaba ballaarin iyo horumarin dhanka tayada Caafimaadka ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.