U bood dhigaalka

Dhoolatus Ciidan oo Ka Bilowday Kenya iyo Soomaaliya Ka Qeybgaleysa

Dhoolatus Milatari oo ay soo qaban qaabisay dowladda Mareykanka ayaa ka dhacaya dalka Kenya, kaas oo  ay qeybgalaya 22 dowladood oo ka tirsan qaaradda Afrika, Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka qeyb ah dhoolatuskaan Milatari tan iyo markii ay burburtay dowladdii Milatariga aheyd sanadkii 1991-kii.

Ciidamo ka tirsan Kumaandooska  Danab ee loo yaqaano Birgediska ayaa ku biiraya ilaa 1,000 askari oo ka kala socda 22 dowladood  oo kale kuwaas oo dhoolatuska sanadlaha ah ka qeyb galaya, qorshaha ayaa ahaa inuu ka dhaco xeebaha magaalada Berbera,laakiin dalka Kenya ayaa loo bedelay inuu ka qabsoomo.

Dhoolatuskaan ayaa sidoo kale looga dan leeyahay in lagu caawiyo la-hawlgalayaasha Mareykanka inay u diyaar garoobaan xaaladaha kala duwan, kuwaas oo ay kamid yihiin howlaha gargaarka bini’aadantinimo, musiibooyinka iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka, taas oo ka caawineyso in cilmi ay ka kororsadaan.

Ciidamada iskudhafkaa ayaa Isniintii dhoolatus militari ka bilaabay Kenya, halkaas oo cutubyo sare oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ay ku biiri doonaan dhoolatus caalami ah oo howlgalkooda ugu horreeya ee dibadda ah, sidaas waxaa bayaan ku sheegay taliska Mareykanka ee Qaaradda ee Africom isla Isniinta.

Dhoolatuskaan ayaa waxaa sidoo kale uu gaar u quseeyaa dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo ay ka dhacaan mararka qaar weerarro ay geystaan Al-shabaab, waxaana inta uu socdo lagu soo bandhigi doonaa arrimo badan, Danab ayaa ah ciidamo muddo uu gacanta ku hayay Mareykanka, iyaga oo ah ciidanka ugu sareeya.