U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan La Qaatay Madaxweyne William Ruto

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

Madaxweynaha ayaa magaalada Nairobi uga qeyb galaya shir looga hadlayo isbedelka cimilada xilli la filayo in dhowaan la gudagalo xilli-roobaadka Gu’ga,kaas oo laga yaabo in ay yimaadaan roobab xadka dhaafsan iyo saameyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhigiisa Kenya la sixiixday heshiis lagu xoojinayo xiriirka labada dowladood iyo iskaashiga dhanka amniga, socdaalka iyo hormarinta dhaqaalaha oo dan u ah labada dal, oo xiriirkoodu soo hagaagay.