U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qeybgalay Madasha Antalya ee Dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ka qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Madaxweyne Xasan ayaa soo bandhigay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga, waxa uuna sheegay in xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso iskaashiga iyo xasillooni gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in xadgudubka Xukuumadda Itoobiya ay ku sameynayso midnimada iyo madaxbannanida Soomaaliya ay wiiqayso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas, kadib heshiiskii ka dhacay Addis Ababa sanadkaan horraantiisa oo abuuray xasarad siyaasadeed oo gobolka ka bilaabatay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale beeniyey dhammaan qodobbada mala-awaalka ah ee ay ku marmarsiyoonaysay Xukuumadda Itoobiya, kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ku xalaashadaan Baddeena isaga oo xusay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isgoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.