U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dowladda Turkiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka dib markii uu dalka Turkiga uga qeyb galaya shirka 3-aad ee Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca, xilli  Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan wada galay heshiis caalami ah oo quseeya dhanka Difaaca iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa safarka u uku tagay Turkiga waxaa uu kusoo aadayaa xilli la filayo in dhowaan dalka la filayo in ay soo gaaraan ciidamada difaaca badda dalka Turkiga, kuwaas oo garab siin doon aiyo tabar ciidan badda iyo xeebaha Soomaaliya.