U bood dhigaalka

Wasiirka Cadaaladda oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Hey’adda Interpeace oo Muqdisho Soo Gaaray

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha hey’adda Interpeace Mudane Itonde Abraham Kakoma iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka booqasho shaqo ku jooga.

Mudane Xassn Macallim iyo Mudane Itonde Abraham ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira cadaallada, nabadeynta iyo xasilinta oo muhiim u ah horumarka dalka iyo wadajirka bulshada.

Madaxweynaha hey’adda Inter Peace ayaa wasiir Xassan Macallim uga mahad-celiyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta, waxuuna ammaanay dadaallada dowladda ee dib-u-eegista Dastuurka, iyo horumarinta Caddaaladda iyo garsoorka oo gundhig u ah nabad kusoo dabaalidda dalka.

Wasiirka ayaa Mudane Itonde Abraham iyo hey’adda uu madaxda ka yahay uga mahad celiyay shaqada ay dalka ka hayaan ee la xiriirta dadaallada nabadeynta bulshda, waxuuna ku dhiirri geliyay iney joogteeyaan.