U bood dhigaalka

Shabeelleda Hoose: Xoogga Dalka oo Howgallo Ka sameeyay Deegaanno Muhiim ah

Ciidanka Kumaandooska ee Danab gaar ahaan Ururka 161-aad Guutada 16-aad ayaa howlgalkan ayaa si gaar ah uga fuliyey deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan Dudumaay, Buulo guduud, Madaxmaroodi iyo Yaaqbiriweyne oo hoostaga degamada Walanweyn.

Howlgalkaan ayaa waxaa Hoggaaminaayey Taliyaha ururka 161’aad Guutada 16’aad Kumaandooska Danab Jamaal Cabdinaasir Mahad, waxaana warbaahinta dowladda uu u sheegay in howlgallada gobolka ay sii socon doonaan qorshahana uu yahay in gobolka la isku furo.

Howlgalka inta uu socday, Ciidamada ayaa gurmad caafimaad u fidiyay dadka ku dhaqan deegaanada ay howlgallada ka sameeyeen halkaas oo dhowaan aheyd goobo ay ka dhaceen daadad dadka iyo duunyada saameyn ku yeeshay, xilli ay deegaannadaan ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo isaga baxay halkaasi.

Ciidamada Kumaandooska ee Danab ayaa maalmihii dambe kordhiyay weerarrada ay ka wadaan inta badan gobollada dalka, waxaana howlgalkaan uu kusoo aadayaa xilli Koonfur Galbeed uu ka socdo diyaargarow xooggan oo loogu jiro sidii Al-shabaab looga saari lahaa.