U bood dhigaalka

Wasiir Fiqi oo Muqdisho Kusoo Dhoweeyay Wafdi Ka Socday Jamhuuriyadda Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta XFS mudane Axmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan wasiirro xukuumadda Federaalka ah, xildhibaanno BFS ka tirsan iyo maamulka Machadka Heritage ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho ku soo dhoweeyey Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Djibouti Md. Muumuin Xasan Barre.

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Awqaafta Jabuuti ayaa  ka qeybalaya wajiga 2aad ee Dhammaystirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ah ee Machadka Heritage oo magaalada Muqdisho lagu qaban doono 4 -5 bishan Maarso, wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay wafdiga kayimid Jabuuti ee lagu soo dhoweeyay Muqdisho.

Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadley munaasabadda soo dhoweynta Wasiir Muumin ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah labada dal ee walaalaha ah ee Somaaliya iyo Djibouti, iyo in uu ku soo dhowaado gacmo furan dalkiisii labaad, una rajeeyey mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho kulamada uu la qaadan madaxda dawladda Soomaaliya kuwo miro dhal ah oo kor u qaadaya xiriirka labada dal ee walaalaha ah, ku guulaysto hawlaha kale ee uu u soo sodcaalay iyo joogitaan nabad ah.