U bood dhigaalka

Wasaaradda Maaliyadda Soomalaiya oo IMF Uga Warbixisay Muhiimadda Suuqa Bariga Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa waxa uu ku casuumay shirka horumarinta Maaliyadda ee IMF iyo Dowladda Soomaaliya Ergayga gaarka ah Dalalka Bulshada Bariga Afrika Mudane Cabdisalan Hadliye, si uu faah faahin uga bixiyo faaiidooyinka dhaqaale ee uu lee yahay ku biirista ururkaas.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo muddooyin kaan dadaal ugu jiray sidii loo kobcin lahaa Dakhliga gudaha iyo ka qeyb galayaashii shirka oo ay ugu horeeyaan matalayaasha IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ka dhagaysay Mudane Hadliye Warbixin kooban oo uuku faah-faahiyay faa’iidooyinka dhaqaale ee ay Dowladda iyo Bulshada Soomaaliyeed ka helayaan Ururka Bulshad Bariga Afrika.

Soomaaliya oo ku taalla deegaan ahan dhul Istaraatiiji ah ayaa Allaah ku maneystay nimcooyin ay ka mid yihiin Xoolaha, Beeraha Kaluumeysiga iyo Ganacsiga xorta ah ee ay Bulshada Soomaaliyeed Caanka ku yihiin, Mudane Abdisalan Hadliye ayaa sheegay dhinacyadaas haddii ay helaaan Maalgalin sax ah in Soomaaliya ay ka faa’iidi doonto wax soo saarka gudaha oo dalalka ku bohoobay Bulshada Bariga Afirka qaar kood ay baahi gaar ah u qabaan kheyraadka daleenna.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan cige ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Dowaldda Soomaaliya ay go’an tahay horumarinta ilaha dhaqaalaha, taas oo u uku tilmaamay mudnaanta koobaad, si loo gaaro isku filnaan Maaliyadeed.

Horumarinta ilaha soo saarka dhaqaalaha sida Xoolaha, Beeraha, iyo Kaluumeysiga waxa ay qeyb ka qaadanayaan sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hada ku tiirsan Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.