U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Hambalyo u Diray Haweenka Soomaaliyeed 8-da March

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta  haweenka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Haweenka Adduunka 8-da March oo sanad waliba caalamka laga xuso, xilli dhowaan ay dalka geeriyootay wasiirkii haweeynaka

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ee ay kaga jiraan bulshada, dhaqaalaha dalka iyo samatabixinta qoyska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay doorkooda taariikhiga ah ee halgankii gobonnimo doonka iyo kaalinta maanta ay ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo Al-shabaab.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa door muuqda uu tilmamay madaxweynaha in ay ku leeyihiin ciidanka oo ay ka tirsan yihiin qeybihiisa kala duwan, waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay markaan qaataan doorka uga aadan dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab, xilli haweenku ay ciidanka cuntada dabasidaan.