U bood dhigaalka

Maxweyne Erdogan” Aniga ahaan, Tani waa tii iigu Dambeysay Awoodda Sharcigu I siinayo”

Sheeko:Caalamka


Madaxweynaha wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo ka hadlaya doorashada dawladaha hoose ee la qaban doono dabayaaqada bishaan Maarso ayaa shaaca ka qaaday ineysan talada ugu jirin inuu dib isugu sharaxo doorashooyinka soo aadan wadanka, isaga oo tilmamay in tan ay tahay tii ugu dambeysay.


Madaxweynaha ayaa ka hadlayay kulanka dhalinyarada oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda TÜGVA ee Dhallinyarada Turkiga waxa uu sheegay in 31-ka Maarso ay tahay maalin isbedel ah, wuxuuna yiri oo dalka uu gal doono taariikh cusub, laakiin kama tagin in siyaasaddiisu ay noqon doonto midi kasii Talisa.


“Aniga ahaan, tani waa tii iigu dambeysay awoodda sharcigu I siinayo, doorashadani waa doorashadii iigu dambaysay, natiijaduna waxay noqon doontaa wareejinta kalsoonida ee walaalaha iiga dambeeya xilka” ayuu yiri isaga oo la hadlayay dhallinyaro faro badan ee wadanka Turkiga oo dhageysanayay hadalkiisa.


Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in doorashada dowladaha hoose ee Turkiga caalamka oo dhan iyo dunida muslim-ka ah ay soo wada eegayaan,waxaana uu walaac ka muujiyay cadaadiska ka imaanaya mucaarad oo cabsi laga qabo in doorashooyinkaan ay saameyn weyn ku yeeshaan dorashooyinka dalka.


“Xilligan is-beddelka ah, dhammaan indhaha caalamka Islaamku waxay eegayaan Turkiga. Maxaa ka dhici doona Turkiga? “Inkasta oo aanay doorashadani ahayn doorasho guud, haddana indhaha oo dhami waxay ku jeedaan doorashada deegaanka, maxaa ka soo bixi kara xisbiga AK” ayuu yirti madaxweynaha.


Edogan ayaa gabagabadii hadalkiisa fariin u diray dhallinyarada dalka Turkiga , “Sidaas darteed, waxaan aaminsanahay in qadiyadeena oo ay ku jiraan dhalinyaro aad u xoog badan, ay ku rajo weyn yihiin in ay jawaabaha lagama maarmaanka ah ka bixiyaan xilalkaas kala duwan habeenka 31-ka Maarso 2024”.


Madaxweyne Erdogan ayaa talada dalka Turkiga kusoo jiray 20-kii sano ee lasoo dhaafay isaga oo mar ka noqday dalka Ra’iisulwasaare halka uu laba mar uu noqday madaxweyne dalka, Turkiga ayaa noqday dal siweyn sare ugu kacay dhanka dhaqaalaha ciidanka iyo waxsoosaarka dunida loo iibgeeyo marka la eego