U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska oo Sheegay in Gacanta Lagu Dhigay Hobiyeyaal Faro Badan

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Hey’adda Sirdoonka Qaranka ee Nisa oo howlgal ka sameeyay degmada Deyniile ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay hub faro badan, howlgalkaan ayaa la fuliyay saqdii dhexe ee xalay.

Afhayeenka Booliska soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay howlgal ay xalay abaara 12:00 Habeenimo  ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku soo qabteen tiro hoobiyaal oo gaarayo ilaa iyo 140 xabo oo isugu jiro kuwa garbaha laga tuuro iyo kuwa laga sameeyo Baaruudda qaraxda.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalkan oo meelo kala duwan ka dhacay uu ka dhashay kadib markii kooxda Al-shabaab ka soo tuureen labo Hoobiye kadibna ciidanka sidaas ku tixraaceen, waxaana suurto gashay in lasoo qabto.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in dabkii saaka aroortii hore ka kacay Suuqa Bakaaraha uu ka dhashay qarax ay Al-shabaab ku qariyeen meel qashin ah oo ka tirsan degmada waxaana howlgalka uu kusoo aaday xilli xalay hooyiyaal lasoo tuuray.