U bood dhigaalka

Askar Kamid Noqnaya Ciidanka Booliiska oo Muqdisho Lagu Dhaariyay

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa ka qeybgalay munaasabad maanta lagu dhaariyey 300 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo shalay tababar loogu soo xiray dugsiga tababarrada booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya S/guuto Zakiye Xuseen Axmed  iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Taliska Booliska ayaa Taliyaha kala qeyb galay munaasabadaan, waxayna ciidankaan cusub ka qeyb qaadanayaan sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sanadadii ugu dambeeyay waday koror waxaana inta badan ay qaarkood ay kamid noqdaan ciidanka Booliiska ee dowlad goboleedyada dalka waxaana sanad waliba ku biira dhallin badan oo doonaya in ay ka mid noqdaan ciidanka Booliiska Soomaaliya.