U bood dhigaalka

Shirka Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Waxaa caasimadda Muqdisho lagu soo gabogabeeyay “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir”, taasi oo socotay saddex cisho, ayna soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

Madashan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Agaasimeyaasha guud ee Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo, gobolka Banaadir, khubarro ka socda Dowlad Goboleedyada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Arrimaha kasoo baxay waxaa ka mid ah; in la isku afgartay ni la sameeyo Sanduuga Dhismaha yo Horumarinta Dowladha hoose ee Dalka, In Hannaanka Qaran ee Dawladaha Hoose lagu soo daro habraaca Doorashada Hal Qof & Hal cod iyo ni la mideeyo Shuruucda Dowladaha hoose, iyadoo gundhig looga dhigi doono Sharciga Dowladaha Hoose e heer Federaal.