U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ka Qeybgashay Shirweynaha Qaramada Midoobay Ee Arrimaha Haweenka

Wafdi ay hoggaamineysay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuuquuqda Aadanaha JFS, Marwo H.E Amina Hassan Ali ayaa saaka ka qeybgashay kal-fadhigiisa 68-aad ee shirweynaha Arrimaha Haweenka Adduunka,kaas oo ka dhacay xarunta Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Shirka ayaa looga hadlay doorka haweenka ay ku leeyihiin bulshada, kaalinta ay ka qaataan horumarinta dalalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dhiirigalinta iyo kor u qaadidda aqoonta haweenka,shirka ayaa sanadkaan halkudhig looga dhigay taageeridda Haweenka iyo sare u qaadka aqoonta.

Wafdiga ka socda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuuquuqda Aadanaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  ayaa maalmahaan booqashooyin shaqo ku joogay dalal ay kaid yihiin Turkiga, waxaana ay halkaas kula kulantay mas’uuliyiin kale duwan iyo ururro ka shaqeeya arrimaha Haweenka.