U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan La Qaatay Wasiirrada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada.

 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada dalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macalom Fiqi.

Wasiirrada la kulmay Ra’isul wasaare Xamse Bare waxa ka mid ahaa mudane Maxamed Ibraahim Oogle Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamad Jaamac Waayeel Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug, Mudane Maxamuud Axmed Gacal Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo Cabdisahal Jaamac Maxamed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa saddexdii maalin ee tagtay shir guddoominayay “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir ah ee labada heer dowladeed.

kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo, iyo weliba Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahaasi iyaga oo isafgarad ka yeeshay howlo badan oo hortabin u leh, laguna hormarinayo dowladaha hoose.