U bood dhigaalka

Madaxweyne Biden oo Ku Guuleystay Inuu Noqdo Musharaxa Xisbiga Dimuquraadiga Doorashooyinka November 2024

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay ku guuleystay in xisbiga Dimuqraadiga u doortaan musharraxa uga qeybgali doonaan doorashada madaxweynaha ee bisha Novermber, halka sidoo kale madaxweynihii hore ee Donald Trump uu ku socdo waddadii uu ku xaqiijin lahaa Musharaxnimadiisa.

Biden waxa uu la kulmay mucaarad magac u yaal ah, si uu u noqdo musharraxa Dimuqraadiga, waxaana uu xalay ka gudbay tiradii ergada ee looga baahnaa oo aheyd 1,968, sida ah qortay wakaaladda Reuters, Biden ayaa doorashada soo aadan u tartami doona markii labaad isagoo uu ka hor imaan karo Trump.

 Sidoo kale Donel Trump ayaa dhankiisa haya waddadii u uku noqon lahaa musharraxa xisbiga mayalka adage e Jamhuuriga, waxaana ilaa hadda muuqata inuu guulo waaweyn uu gaaray oo xisbigau la dhacsan yahay, waxaana dul hoganaya fadeexa ka dhashay markii uu diiday xilwareejinta doorashii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, Trump wuxuu kaga adkaaday doorashada xisbi Jamhuuri dhowr musharrax doorashooyinkii hordhaca ahaa, oo ay ku jiraan safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Nikki Haley iyo guddoomiyahaa gobolka Florida Ron DeSantis, waxaana loo badinayaa in Biden iyo Trump ay markale iswajihi doonaan.

Musharixiinta kale, oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Trump, Mike Pence, ayaa isaga baxay doorahsada bilo kahor sababo la xiriira taageero la’aanta codbixiyayaasha oo sida muuqata intooda badan ay doorbidayaan Trump, maadaama uusan jirin shakhsi kaga cadcad taageerayaasha.

Labada musharrax, Biden iyo Trump ayaa si buuxda u ololeynaya siddeed bilood ka hor doorashada, iyaga oo midba midka kale ku weeraray fursad kasta oo suurtagal ah, Joe Biden ayaa hadda wajahaya cadaadis ka heysta taageerada Israel ee dagaalka Gaza oo lagu laayay  in ka badan 34,000 ee reer Falastiin ah.