U bood dhigaalka

Howlgal Ka Dhacay Gobolka Baay oo Lagu Dilay 7 Al-shabaab ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed gaar ahaan Guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fashiliyay deegaanka Haween ee Gobolka Baay, halkaas oo la sheegay iney isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalkaas ayaa saraakiisha hoggaaminaysa waxaa ay sheegeen in lagu  dilay 7-Al-shabaab ah halka looga gubay ilaa 5 kamid ah Mootoyinka Feekonka loo yaqaano oo ay adeegsanayeen sida laga soo xigtay saraakiishii howlgalka hoggaaminaysay.

Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howlgallo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda, waxaana ciidanka xoogga ay qaadeen howlgallo dhowr ah oo intooda badan lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.