U bood dhigaalka

Mudug: Howlgal Lagu Dilay Hoggaamiyeyaal Al-shabaab oo Ka Dhacay Dumaaye

Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaan hoostaga magaalada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug, howlgalkaan ayaa ayaa lagu dulay hoggaamiyeyaal ka tirsan, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka dowladda federalka.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid dhabogal ah oo ciidanku ay ku sameeyeen xubnahaan oo ku siijeeda deegaan hoostaga Xarardheere, waxaana saraakiishu ay sheegeen in lagu dilay laba horjooge oo mid kamid ah uu yahay ajinabi, iyadoo lagu furtay hub iyo saanad ciidan sida laga soo xigtay.

Howlgalkaan ayaa waxaa sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Dumaaye, ciidanka iskaashanaya ayaa howlgalkooda ku dilay horjooge lagu magacaabo Maxed Isaaq Aw-raage oo ku magac dheer (Maracadde) iyo horjooge kale oo la sheegay inuu ajinabi ahaa iyo ilaalo kale.