U bood dhigaalka

Maxay Tahay Nuuca Dekadda Mareykanku Ka Hirgelinayo Gaza Si Gargaar Loogu Gaarsiiyo?

Dowladda Mareykanka ayaa koox ka mid ah milatarigeeda u direysa Gaza si ay u dhisaan deked macmal ah oo badda dul sabeyneysa oo lagu doonayo in gargaarka lagu gaarsiiyo Gaza oo ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa laga soo xigtay  iney dhismaha dekeddan aya  qaadanayso  muddo toddobaadyo ah, gargaarkaan ayaa qeyb ka ah amar uu bixiyay madaxweyne Joe Biden.

Dekadaan Macmalkaan ayaa sidoo kale waxaa ku baxaya qarash xooggan, iyadoo la qorsheeyay in Gaadiidka Xamuulka ay qaadi doonaan gargaarka si ay u gaarsiiyaan Gaza, laakiin xaaladda ka jirta waa mid aan wax badan ka tari Karin.

Dowladaha Masar iyo Urdun ayaa wali sii wada dadaallada ku aadan in shacabka Falastiiniyiinta ay gargaar uga daadiyaan hawada, cabsida ugu weyn laga qabo ayaa ah oo Qaramada Midoobay muujinayso in majaaco ka dilaacdo Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa dhowr jeer rasaas la dhacay dad gargaar sugayaal ah, waxaana ku geeriyooday dad badan dhacdooyinkaasi, xilli golaha Wasiirrada Israel ay ansixiyeen weerar in lagu qaado Marinka Rafax ee xadka Masar.

Dagaalka ka dhacaya Gaza oo soo bilowday 7-dii October 2023 ayaa galaafatay dad ka badan 34,000 oo reer Falastiin ah, xilli Xamaas ay gacanta ku hayaan maxaabiis Israel ah oo lagu qabtay weerarkii dhacay bishaas oo Xamaas ay qaaday.