U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Shirkadda Diyaaradaha Egypt Air iyo Hay’adda Duulista Masar oo Booqday Garoonka Muqdisho

Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cade iyo Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka oo qaabilay Wafdi ka socday shirkadda diyaaradaha Egypt Air iyo Hay’adda Duulista Masar.

Wafdigani ka socday Shirkadda Diyaaradaha Egypt Air iyo Hay’adda Duulista Masar ayaa waxaa si diiran Garoonka ugu soo dhoweeyay maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan iyo Maareeyaha Maamulka Garoonka Aadan Cabdulle Maxamed Saciid Cabdullaahi ,soo dhaweynta kadib masuuliyiinta labada dhinaca ayaa ka wada hadlay u diyaarowga

duulimaadyada Shirkadda Egypt Air ay ka billaabi doonto Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo sida ay suuragal ku noqon karto duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Qaahira ah.

Wafdiga ayaa normeer ku tagay Xafiisyada xarunta dhexe ee hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee (SCAA) iyo xafiisyada Maamulka Garoonka qeybaha Terminaalka ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Egypt Air oo ku biireysa Shirkadda duulikmaadyada Saudi Airlines ayaa sidaan oo kale wafidi qiimeyn ah usoo dirty Muqdisho ,labada Shirkadood ayaana la filayaa iney duulimaadka tooska ah bilaabaan ka hor dhamaadka Sanadkan 2024-ka

Shirkadaha Diyaaradaha ee Turkish Airlines , Qatar Airways, Flydubai ,Air Djibouti, Uganda Airlines. Kenya Airways iyo Ethiopian Airlines oo dhamaantood dalka ka howlgala waxaana soo jiitay nabadda iyo xasiloonida dalkeena Soomaaliya.