U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka oo Faahfaahiyay Qorshaha Howlgal Ballaaran oo Al-shabaab Lagu Qaadayo


Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo culus oo gobollada dalka ka bilowday, waxaana uu tilmaamay in dowladdu ay qaadeyso howlgal baaxad leh oo dalka looga saarayo Al-shabaab, isagoo ciidanka ku booriyay in ay karti iyo dadaal ay muujiyaan.


Wuxuu sheegay taliyuhu in ciidamada ay guluf xooggan oo kama dambays ah ay ku qaadeen gobollada Shabeellooyinka iyagoo si saf ballaaran ah u wajahaya deegaannada kooban oo ay ka joogaan sida uu tilmaamay, howlgalkaan ayaa qorshihiisu yahay in la isku furo gobollaha Shabeellooyinka oo kala xiran.


“Waxaan rabnaa dalkaan haddii aan cadowga dhaqaale qof la weydiinaayo maleh, askarigu sida manta ku sugan yahay ku sugnaan maayo guuleysta,Shabaab dalkaan waa uu ka dhamaanaa wali waqti aan dheereen, dadka fikirka Shabaabka faafinaaya yac iska dhaha warkooda hadhageysanina” ayuu yiri.


Taliyaha Ibraahim oo la dardaarmayay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo qayb ka ah howlgalka Shabeellooyinka ayaa sheegay in Al-shabaab uu ku sugan yahay xilli gabogabo, wuxuuna ugu baaqay in ay qaadaan howlgal ballaaran oo dalka looga saarayo, kaas ooh adda siweyn uga socda badanaa gobollada.


Hadalka kasoo baxay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kusoo aadi xilli muddooyinkii dambe ay howlgallo ballaaran ay ka socdeen gobollada Shabeellooinka oo daris la ah caasimadda, waxaana markale taliyaha u uku cilyay in Al-shabaab laga saarayo inta badan gobollada dalka.
[0:01 pm, 19/03/2024] Gurbiye: Noted