U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Xilkaqaadis Ku Sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Sufurow

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa xilka gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ka qaaday Cabdillaahi Maalin Sufurow oo xilkaas hayay tan iyo bishii Juun ee sanad kii hore 2023, markaas oo uu badalay Cali Jeyte Cismaan magacaabistaas oo muran xooggan uu ka dhashay markaasi.

Sufurow ayaa muddaba la tacaalayay mucaaradad xoog leh oo kaga imaanaysay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jeyte oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay, waxaana arrintaas ay keentay inuu ku dhawaaqo maamul gaar ah oo Hiiraan State ah.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Beledweyne laga saaray maamulkii taageersanaa Hirshabeelle, kaddib markii uu dagaal culus la galay maamulka kale ee la baxay Hiiraan State oo sheegay in aysan ka mid aheyn maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa heysata xasarad siyaasadeed oo xooggan.

Madaxweyne Hirshabeelle Guudlaawe ayaa gudoomiye cusub ee gobolka Hiiraan u magacaabay Muuse Salaad Weheliye, Lama garanayo sida gudoomiyaha cusub uga shaqeyn karo magaala madaxda Hiiraan ee Beledweyne, maadaama ay gacanta ku hayaan maamulka didan Hirshabeelle ee Hiiraan State.

Khilaafka ka taagan Gobolka Hiiraan ayaa muddaba soo taagnaa, waxana waxgaradka deegaanku saluug san yihiin habka awood qaybsiga ee maamulka Hirshabeelle, waxaana arrintaan ay saameyn xooggan ku yeelatay dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo hakaday, xilli Hirshabeelle November doorasho la aadayo.