U bood dhigaalka

Waa Kuma Taliye Liibaan Golcad oo Ku Shahiiday Weerarka Gaadmo ee Shabaab?

In ka badan 20 ka tirsan ciidamada kala duwan ee qaranka sida; La police militaire, booliis iyo nabad sugid ah ayaa ku shahiiday weerar gaadmo ah oo Shabaab kusoo qaadeen Busleey oo ku aadan xeebta Jazeera ee dhacda koonfurta Muqdisho.

Weararkan oo dhacay xilli dambe ee habeennimadii Jimcaha ahaa ayaa saraakiisha ku geeriyootay waxaa ka mid Liibaan Golcad oo kamid ah saraakiisba ugu sareysa ciidanka boolis Milatari. Wararka ayaa intaas ku daraya in Shabaab ay horay u wateen ilaa saddex gaadiid Tikniko ah.

Hadaba waa Kuma Taliye Liibaan Golcad?

Alla ha u naxariisto taliye shahiid Liibaan Golcad waxaa uu ka tirsanaa saraakiisha ciidamada police militaire, waxaa uuna ahaa taliyaha mas’uulka ka ahaa; Qeybta Howlgallada ama Operations-ka ee ciidankaasi.

Taliye Golcad waxaa uu ahaa taliye aad looga jecel yahay ciidanka iyo bulshada dhexdeeda oo firfircoon isaga oo muddo yar ku qabtay howlo kala duwan oo muhiim u ah qaranka.

Howlaha aadka loogu xasuusto waxaa ka mid ahaa inuu mas’uul ka ahaa amniga cayaarihii gobollada ee sida habsamida leh ugu qabsoomay Stadium Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxaa uu taliye Liibaan xiriir wanaagsan la lahaa ganacsatada isaga oo mas’uul ka ahaa in la kala jaro Shabaab iyo ganacsatada, isla markaana ay meesha ka baxdo lacagihii ay qaadi jireen kooxda.

Taliye Liibaan waxaa kale guulo kusoo hoyay daafaha magaalada, oo ciidamo uu ka mid yahay ka sameysteen baro kontorol oo lagu baaro gaadiidka iyo dadka soo galaya caasimadda Muqdisho, waxaa kale uu ka mid ahaa saraakiisha aadka ugu guulaystay in la ogaado meelaha ay hoobiyaha kasoo ridi jireen Shabaab.

Taliye Liibaan Golcad ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ciidamada ayaa waxaa uu kusoo tababartay dalka dibaddiisa gaar ahaan dalka Uganda, waxaa uuna ahaa hal Xidigle.

Gaashaanle Dhexe Iimaan Elman oo ka tirsan hormuudka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadashay Goobjoog ayaa ka tacsiyeysay geerida taliye Liibaan Galcad iyada oo intaas ku dartay inuu ahaa taliye dhaliyaro ah, firfircoon, howlkar ah isla markaana aad looga jeclaa ciidanka iyo bulshada dhexdeeda.