U bood dhigaalka

Maxamed Daahir Afrax: Xusuus Toolmoon iyo Raad aan Tirmayn

Oktoobar 10, 2026

Waa adduun oo laguma waaree, waxaa 9kii Oktoobbar 2021kii ay caleentiisii caddaatay Dr. Maxamed Daahir Afrax, oo ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla magaalada London. Dr. Afrax, Alle ha u naxariistee, oo sannadkii 1952dii ku dhashay degmada Jarriiban ee gobolka Mudug. Wuxuu ahaa foolaadka qalinleyda Soomaaliyeed, isaga oo wax ku qori jirey afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska, haba ugu badnaado afka Soomaaliga e. Qoraagu wuxuu waxbarashadii dugsi Quraanka ku soo qaatay isla degmadii uu ku dhashay ee Jarriiban. Kaddibna wuxuu u soo wareegay caasimadda Muqdisho, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadii dugsiga hoose, dhexe iyo saraba. Kaddib wuxuu waxbarashada sare ee jaamacadda u aaday Cadan, halkaas oo uu ku qaatay aqoonsiga kowaad ee adabka (Bachelor of Arts). 

Dr. Afrax wuxuu ahaa qoraa iyo faaqide fiiradheer oo ku kalsoon hibadiisa iyo kartidiisa farshaxannimo oo marka aad akhrinayso qoraalladiisa aad moodayso in uu ku horjoogo siduu u garanayo geeddigelinta qoraalka iyo wuxuu leeyahay isaga oo u adeegsanaya erayada iyo weeraha hadba meesha ku habboon, siiba marka uu tusaalayaal ka soo dhanbalanayo kayda hidda-afeedka Soomaaliyeed (Somali Oral Tradition).

Dr. Afrax hibadiisa qoraanimo waxa ay soo ifbaxday, isaga oo weli ku jira dugsigii sare ee magaalada Muqisho. Xilligaas waxa uu seeska u dhigay wargeyskii billaha ahaa ee ugu horreeyay, ee ku soo bixi jiray afafka Soomaaliga iyo Carabiga, ee lagu magacaabi jiray “Codka Jubba”, kaas oo soo bixi jiray intii u dhexaysay 1972dii illaa 1975. Halkaas waxa ka cad in soo ifbaxa halabuurkiisa qoraaleed uu la kowsaday kuna soo beegmay qoristii af Soomaaliga ee 1972. 

Shanta sano ee u dhaxeysay 1975 ilaa 1980 oo laguna tilmaamo berisamaadka hibada qoraalka Dr. Afrax waxa uu qoray saddex sheeko oo dhaadheer oo aad loogu bogey dhallinyaraduna ay ku daadatay: sheekada kowaad waa Guur-ku-sheeg oo soo baxday 1975, ta labaadna waa Maana-faay oo noqotay sannadkii 1979 ibafurkii sheekafaneedka Soomaaliyeed ee laga dabadhacay iyo sheekada saddexaad oo ah Galti-macruuf oo sannadkii 1980 ku bilaabantay taxane ku soo bixi jiray wargeyskii maalinlaha ahaa ee Xiddigta Oktoobar, iyada oo markii danbe lagu joojiyay qaybtii 37aad kaddib markii ay dawladda military terigu qoonsatay farriintii ay sheekadu gudbinaysay. Taasi waxa ay sabab u noqotay inuu qoraagu eersado sheekadaas muddo yar kaddibna uu sannadkii 1981kii uu dibadda uga baxo Soomaaliya, kuna noolaado qurbaha.

Sida laga dheehan karo marka la akhriyo buugtiisa iyo qormooyinkiisa, Dr. Afrax waxa uu dhammaantood kula dagaalamayay dhaqanburburka iyo marinhabowga da’da soo koraysa, isaga oo kuna bidhaaminayay dhaqammadii dhowaansoogalka ahaa iyo kaalinta silloon ee jiilka hoggaanka hayay ay ku horkacayeen dadweynaha.

Dr. Afrax ma uu qorin oo keliya buugaag sheeko oo mala-awaal ah iyo sheekooyin gaagaaban sida Talaseeg ikk ee sidoo kale waxa uu cilmibaaris baaxadweyn leh ku sameeyay horumarinta afka, dhaqanka iyo suugaanta qaybaheeda kala duwan. Afrax, Rabbi ha u naxariistee, wuxuu si gaar ah ugu tilmaannaa in uu ahaa gorfeeye iyo faaqide fiiradheer, sida laga dheehanayo dhiganihiisa “Fan-Masraxeedka Soomaalida: Raad-raac Taariikheed iyo Faaqidaad Riwaayado Caan-baxay (1987)’’ iyo gorfayntiisa shiiqsiga danbe leh ee uu ku sameeyay buugga “Gaso, Ganuun iyo Gasiin” oo ah sheekafaneed uu qoray buuni, Dr. Cali Jimcaale Axmed oo isna ah qoraa iyo bare sare.

Dr. Afrax, xagga curinta sheekafanneedyada, danaynta, hodminta iyo horumarinka af Soomaaliga waxa uu ula mese yahay ama ugu jiraa dadka Soomaaliyeed, kaalinta George Orwell ee ingiriiska, Chinua Achebe ee Nigeria iyo Ngugi  Thiong’o ee Kiinya.

Markiii dadka Soomaaliyeed ay muujinayeen dareenkooda ay ku diiddanaayeen falalkii dhaqandooriska ahaa ee gumaysiga shisheeye la mataanaysnaa, ee ayna ku heesayeen meerisyadii ku jiray riwaayaddii “Xoriyo”:

“Ma duugoobo dhaqankay, 

Ma doorsoomo midabkay, 

Ma bakhtiyo dabkaygu …”

Waxa ay kasha ku hayeen in qalinleyda uu horseedkeeda yahay Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo kuwa la midka ahi ay guntiga labada low u geyn doonaan si ay u oogaan, una sii qamxiyaan, dabka afka, dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

Si la mid ah af Soomaaliga ayuu Dr. Afrax ku qoray Afka Carabiga qoraalo iyo buugaag kale sida buug taariikheedka ‘‘Nidaa ul–Xorriyaha’’ oo uu qoray 1976dii. Sidoo kale, waxaa barbaryaal hibadiisa qoraal  inuu lahaa hibo kale oo ah curinta ruwaayadaha, oo aan ka xusi karo riwaayaddii “Durbaan Been ah” oo la soo bandhigay 1979 iyo soosaarista barmaamij dhaqameed uu magaciisu ahaa ‘Kulmis’ kaas oo ka bixi jiray Raadiyow Muqdisho.

Afrax waxa uu daw u lee yahay in lagu tiriyo qoraayaasha Soomaliyeed kuwa ugu horreeya, ee afka hooyo wax ku qora, marka si gaar ah loo fiiriyo buugaagtiisa sheekooyinka ah sida “Maanafaay”, “Galti-macruuf” iyo midkiisa hawaala warran ka ah ee lagu magaacbo “Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay” kaas oo gilgila damiirka akhristaha Soomaaliyeed.

Dr. Maxamed Daahir Afrax, isaga oo u baroordiiqaya bare sare Bogumil Witalis Andrzejewski oo ku caan ahaa “Macalin Guush” ahaana cilmibaare af Soomaaliga iyo suugaantiisa ayuu ku halqabsaday meerisyadii gabyaagii Cali Jaamac Haabiil, si uu u muujiyo kaalinta uu macallin Guush banneeyay. Aniguna hadda sidaas oo kale ayaan ugu baroordiiqayaa saaxiibkay:

“Alle wuxuu golxaalow ahaa, gedefka reeraaye 

Magaciisu waa gudubsanaa gaaliyo islaane

Galbeed iyo baraa laga yiqiin, gololkii dheeraaye

Gaashaan biruu noo ahaa, goconayaa mooyi!”

Sannadkii 1990kii, Dr. Afrax, wuxuu u guuray London, halkaas oo uu ku dhammaystay shahaadada PhD-da Jaamacada SOAS isaga oo sameeyay qoraalka qalinjebinta ee uu cinwaankiisu ahaa “Literature in Transition: Continuity and Innovation in Post-independence Somali Drama and Poetry.

Dr. Afrax muddadii dagaalada sokeeye ka dib, kuma uu mashquulin oo keliya kobcinta iyo gorfeynta qabybaha kala duwan ee suugaanta, ee waxa uu sida oo kale isku hawlay assaasidda agabyo iyo ka mid noqoshada ururro u taagan ilaalinta iyo horumarinta af Soomaaliga. Waxaa ka mid ahaa agabyadaas iyo ururradaas wargeys-xilliyeedka dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida ee Hal-abuur oo uu London ku aasaasay 1993dii uuna ka noqday tifaftire, Naadiga Somali PEN ee qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed oo uu isagana London ku asaasay 1996dii kana ahaa aasaase-guddoomiye Akadeemiya-Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo uu hadda madax u ahaa.

Sooyaalka Dr. Afrax waxaa ka mid ahaa ka qaybgalka siyaasada isaga oo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii 6aad ee Soomaaliya ee lagu soo yagleeylay Carta, Jabuuti sannadkii 2000, kaddibna waxa uu isla dowladii uu madaxweynaha ka ahaa mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ka noqday Wasiirudawlaha Iskaashiga Caalamiga Oktoobar 2000 – Luulyo 20003. Ka qaybgalkiisii ugu danbeeyay ee dadaalka dibudhiska dawladnimadda Soomaaliyeed waxaa 4tii Juun 2015 loo magacaabay xubin ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG ah, kaddibna xubnihii guddigaas ayaa u doortay Guddoomiyaha Guddiga.

Dr. Maxamed Afrax, Alle ha u naxariistee, waxa uu geeridiisa ka hor ku foogganaa soosaarista buugag kala duwan, oo ku kala qoran saddexda af ee uu wax ku qori jirey: Soomaali, Carabi iyo Ingiriisiba, buugaagtaas oo badankooda uu u harsanaa tifaftir keliya. Qaar ka mid ah an qoraalkooda mar hore ayuu dhammeeyay, qaarna sixitaan aan badnayn ayaa u harsanaa, halka qaarka kale ayba daabcaadda ku jiraan. 

Marxuun Dr. Maxamed Daahir Afrax, waxa uu ahaa nin af gaaban, debecsan, laab furan oo fiiro dheer, lehna anshax iyo sarriig u dhalasho ah. Wuxuu la tegay lana godgalay boholyowgii uu u qabay af Soomaaliga, tixdiisa iyo tiraabtiisaba labadaba, waxaana sharaf iyo abaalmarinba ugu filan in uu waariyay “xusuus toolmoon” iyo “raad aan tirmayn”, innagana wuxuu inaga mutaystay mahad, ammaan iyo duco ah: Eebbow sii naxariis iyo janno. Aamiin!

Abshir Maxamed Axmad (Bukhaari)

Wasiirka Madaxtooyada Qaranka