U bood dhigaalka

35 Burcadbadeed Soomaali ah oo Maxkamad Ugu Bilaabatay Hidiya iyo Cabsi Laga Qabo Xukunnada ay Wajihi Karaan

Maxakmad ku taalla dalka Hindiya ayaa Axaddii shalay bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah 35 eedaysane oo burcad badeed Soomaali ah, kuwaaso oo maalmo ka hor lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada Badda ee India ku soo furteen Markab la heystay uu ku gooshayay calanka Jaziiradda Malta.

Markba ayaa gacanta ugu jiray kooxdani muddo bilooyin ah, waxaana safaaradda Soomaaliya ee India ay sheegtay in muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u eedeysan Burcad Badeednimada loo qabtay Abuukaate caan ka ah dalkaas oo difaaci doona inta ay socoto maxkamadeynta sida degdeg ah ku bilaabatay shalay.

Kooxdaan ayaa lagu maxkamadeynayaa deegaan lagu magacaabo Kalaagoodha oo ka tirsan Mombai, sida ay baahisay dowladda Hindiya, Maxkamadeyntaan ayaa bilaabatay maalin kadib markii Markabka Kalkara oo ku sugnaa xeebaha Soomalaiya uu weerar ku qaaday kooxda oo lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo.

Muddo laga joogo Todobaad ciidanka Hindiya ayaa ku qasbay kooxda Burcadda ah in ay isdhiibaan kadib israsaaseyn muddo 24 saac ah dhexmareysay, ciidanka ayaa howlgalka soo gabagabeeyay xilli habeen ah iyagoo dalaayado uga soo degay diyaarado ku dagaalka ah oo ka qeybgalayay howlgalka lagu soo furtay.

Ciidanka ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan guud ahaa 35 ruux oo ka tirsanaa kooxda burcadda ah, waxaana sidoo kale howlgalkaan lagu soo badbaadiyay 17 ruux oo la heystayaal ahaa, kooxda ayaa la aaminsan yahay in Markabka MV Abadullah ay ku qafaasheen Markabkaan oo ah mid xawaare sare leh.

Kooxdaan Burcadda Soomaalida ayaa haddii dambiga ah isku day dil iyo hanmdadaad waxaa ay helayaan xukun dil ah ama xabsi daa’in, Hindiya ayaa lagu tilmaamaa dalalka ugu sharciga adag markii ay timaado fal dambiyeedyada, ciidanka Hindiya ayaa kooxda bucadda ah gacanta ku dhigay muddo 10 sano ah kadib