U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Lugta oo Gaaray Bariirre iyo Kulamo Looga Hadlayo Dagaalka Al-shabaab

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, madaxa hoggaanka howl-gelinta ee CXD G/Dhexe Cali Aadan iyo Taliyaha Guutada 14-ka October G/Dhexe Nuur Maxamed Gaabow ayaa gaaray deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose.

G/Dhexe Liiban Yuusuf Garre Taliyaha ururka 18-aad guutada 6-aad, qaybta 60-aad ee CXD ayaa deegaanka Bariire ku soo dhaweynay saraakiishan oo safar dhulka ah ku maraya gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiisha ayaa kormeeray fariisimaha kala duwan ee ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Bariire, waxayna saraakiisha iyo ciidanka halkaas jooga siiyeen waajibaadka qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Taliye Dayax Cabdi oo goob fagaare ah kula hadlay ciidanka xoogga dalka ee Bariire ku sugan ayaa sheegay in markaan loo baahan yahay is bedel wayn oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ka keeno furimaha dagaalka.

Taliyaha ayaa dhanka kale kormeeray xeryaha ciidamada ATMIS ee deegaanka Bariire, shir saacad qaatay oo halkaas ka dhacayna waxaa lagu gorfeeyay ka qayb noqoshada ATMIS ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab.

+6

All reactions:

2323