U bood dhigaalka

Ciidanka Dowlada, Kuwa Deegaanka iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Deegaanka Daarul AlNimca

Wararka ka imaanaya deegaanka Daaru Al-Nimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidanka dowladda oo iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid kadib xubno ka tirsan Al-shabaab ay dagaal kusoo qaadeen deegaanka oo ay ku suagan yihiin ciidanka huwanta ah, dagaalka oo muddo socday ayaa la isku adeegsaday hub kale duwan.

Deegaanka Daarul Al-Nimca ayaa dhwr jeer waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab waxaana ka dhashay khasaare soo kale garay labada dhinac.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladdu maalmihii dambe ay waday abaabul xooggan oo looga golleeyahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada dalka.