U bood dhigaalka

Ra’iisulwasare Xamse oo Kulan La Qaatay Safiirka Dowladda Shiinaha iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feseraalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireen ka ah ee u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay guulaha waawayn ee ay Soomaaliya xaqiijisay muddaddi la soo dhaafay, haddana loo diyaar garoobayo isbeddel mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba wax wayn ka bedeli doona.

Dhankiisa Danjire Bing ayaa sheegay in ay Soomaaliya mar walba garab taagan yihiin, haddana sii xoojin doonaan taageeradooda, xilligaan oo dowladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo loogu jiri sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka.