U bood dhigaalka

Dowladda Senegal oo Waa Cusub u Baryay iyo 44 Jirka Lasoo Doortay oo Ballanqaadyo Sameeyay

Dowladda Senegal waxa ay salaasadii kusoo toostay madaxweynaha cusub ee la doortay, Bassirou Diomaye Faye, oo hore u ahaan jiray kormeeraha cashuuraha oo siyaasadda ku cusub, iyadoo laga sii daayay xabsiga toddobaadyo ka hor, waxana uu dhiirigeliyay codbixiyaasha xilli shaqo la’aantu baahday.

Ninkaan 44 jir ah ayaa la aaminsan yahay inuu codadka ugu badan uu ka helay dhallinyada dalkaasi oo camal la’aan gidaarada la fadhiya, kuwaas oo doonaya in dalka laga helo isbedel muuqda, waxuu muddo ka shaqeynayay kormeerka canshuuraha dalkaasi, tii ay jirto in todobaad ka hor laga soo saaray xabsiga.

Doorashadu waxay daba socotay bilo rabshado ah oo ay huriyeen Faye iyo Sonko oo la xiray sannadkii hore, iyo walaac laga qabo in madaxweynaha uu mar saddexaad isku dayo xafiiska inkastoo dastuurku xaddidan yahay, doorashadiisii kadib ayuu la hadlay bulshada Senegal isaga oo siweyn u mahadceliyay.

“Waxaan salaamayaa habka ay u wajahayaan musharixiinta kale, kuwaas oo, iyada oo aan laga reebo, ixtiraamay dhaqanka Senegal oo aan xitaa la sugin natiijada rasmiga ah ee lagu dhawaaqayo hay’adaha dawladda ee idman. Farriimaha hambalyada ayaa markhaati cad u ah weynaantooda” ayuu yiri Faye.

Fariintiisa ayaa sidoo kale ku socotay beesha caalamka iyo saaxiibada kale ee heshiisyada dhaqaale kula isoo yiri “Waxaan jeclaan lahaa inaan u sheego beesha caalamka iyo saaxiibadayada laba geesoodka ah iyo kuwa badanba in Senegal ay mar walba ixtiraami doonto ballanqaadkeeda. iskaashi wax soo saar leh”

Midkamid ah dhallinyada codkooda dhiibtay  ayaa dhankiisa cabiray xaaladda Senegal iyo caqabadaha ay wajahayaan dhallinyarada camal la’aanta gidaarrada fadhiya maadaama shaqo ay  jirin “Waxaan aragnay walaalaheen oo u cararaya Yurub, mana rabno taas. Tani waa sababta aan u rabno isbedel” ayuu yiri.

Madaxweynaha la doortay ee Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa waxaa horyaallo shaqooyin badan oo in wax laga qabto u baahan, waxaana dalkaan dhaca galbeedka Afrika maalmihii dambe aad u wajahayay dhaqo la’aan baahsan oo dhallintu dareentay iyo rabshado ka dhashay arrimahaas oo isbedelka abuuray.