U bood dhigaalka

Wasiirro Ka Tirsan Dowladda oo Booqday Ciidanka Xasilinta Caasimadda Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi oo caawa duleedka Muqdisho kula afuray Ciidamada Xasillinta ayaa khudbaddiisa kusheegay in tallaabadani ay tahay mid lagu dhiirigelinayo geesiyaasha nabad ka dhigay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo hareeraheeda isaga oo ciidanka gaarsiiyay salaanta madaxda qaranka iyo ka raali ahaanshiyaha shacabka Soomaaliyeed ee howlaha muhiimka ah ee ay hayaan.

Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu ku dheeraaday dhagarta ay Khawaarijta la damacnsanaayeen umadda Soomaaliyeed gaar ahaan 17-ka bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaa uu intaa raaciyay in taa badalkeeda uu Bakhtigoodu dhooban yahay Xarardheere, Daarunimco ilaa meel walba.

Ugu dambeyntii, waxaa uu mudane Axmed Fiqi wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya kula dardaarmay ciidamada Xasillinta in aaney dheg jalaq usiin dacaayadaha munaafiqiinta taas oo ay soo wadeen ilaa xilligii Nabiga SCW, isaga oo kula dardaarmay adkeysi, una rajeeyey guulo waaweyn.