U bood dhigaalka

Hanti-dhowraha Qaranka oo Shaaciyay in Bangiga Adduunka Loo Gudbiyay Xisaabxirka Mashaariicda

Hanti dhowrka guud ee Qaranka mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa shaaciyay in lasoo gudbiyay warbixino muhiim ah oo ku saabsan xisaab xirka mashaariicda uu bixiyo Bankiga Adduunka, iyadoo laga yaabo in laga hortago dhibaato dhaqaale.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Hanti dhowraha ayaa ku qornaa in la gudbiyay “Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa gudbiyey warbixinada Hantidhawrka ee mashaariicda uu maalgeliyo Bangiga Adduunka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya”.

“Warbixinada Hantidhowrka ee mashaariicda ayaa Xafiiska Hantidhowrku gudbiyey ka hor inta aan la gaarin waqtiga loo asteeyay, tallaabadaas ayaa dhiirigelineysa daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka, siineysana hubanti saaxiibbada horumarka Soomaaliya ka taageera iyo joogteynta mashaariicda horumarineed ee JFS” ayaa lagu soo gabogabeeyay.

Bankiga Adduunka oo xiriirkii uu la sameeyay dowladda Soomaaliya, wuxuu ku nuux-nuux saday inay lagama maarmaan tahay in la soo gudbiyo warbixinta hanti dhowrka ugu dambeyn 31-ka Maarso, 2024-ka, kaddib markii uu baaqday waqtigii ugu horreysay ee June 30, 2023. Warbixintan waxay ahayd mid muhiim ah si loo joogteeyo socodka taageerada maaliyadeed. oo ay ku jirto in Soomaaliya ay hesho $275 milyan deeqaha Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee sanadka 2024-ka.

Kabista maaliyadeed ee Soomaaliya, oo ay ku astaysan tahay dhammaystirka Hindisaha Waddamada Danyarta ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC) ayaa bishii December 2023, waxaa hoos u dhacay deymaha dibadda ee 64% ee GDP 2018 ilaa wax ka yar 6% dhammaadka sanadka. Isbeddelkan, oo lagu kasbaday $4.5 bilyan oo deyn cafis ah, waxay daliil u ahayd dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto xasilinta dhaqaalaheeda iyo helista ilo dhaqaale oo dheeri ah.

Gudbinta warbixintan waxaa ay ka dhigan tahay in bangiga Adduunka oo sii wadi doono qorsheyaasha la xiriiray maalgelinta mashaariicda kuwaas oo la filayo billaha soo socda.