U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Sanduuqa IFAD Ka Heshay  $31.22 million oo Lagu Hormarinayo Nolosha Reer Miyiga

Sanduuqa horumarinta Beeraha (IFAD) ayaa Soomaaliya ku maalgelinaya ilaa $31.22 million oo loogu talogalay horumarinta nolosha reer miyiga ee RLRP.

Barnaamijkan oo imaanaya kadib markii Soomaaliya ay iska magtay qarashka lagu lahaa ayaa waxaa loogu talogalay inuu  kor uqaado amniga cuntada, iyo adkeysiga dadka reer miyiga iyada oo kor loo qaadayo wax soosaarka beeraha iyo waraabka

Madaxweynaha IFAD  Alvaro Lario ayaa sheegay in ay muhiim tahay maalgeshiga ay ku sameynayaan Soomaaliya xilli dunida ay dhibaato ku heyso isbadallada cimilada.

Barnaamijka ayaa loogu talogalay in lagu caawiyo ilaa 30,000 qoys, muddo 8 sanp ah, waxaana si gaar ah hortabinta u leh Haweenka iyo Dhalinyarada.