U bood dhigaalka

Wasiirka Cadaaladda oo Booqasho Ku Tagay Deegaanka Gubta Degmada Deyniile

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo maanta booqasho ku tegay deegaanka Gubta ee degmada Dayniille ayaa kormeeray dhismaha waddada laamiga ah ee laga hir-gelinayo deegaanka, waxuuna halkaas kula kulmay guddiga dhismaha waddada oo uga war-bixiyay shaqada socota, odayaasha iyo wax-garadka deegaanka oo kala hadlay daboolidda baahida adeegyada dowladeed ee deegaanka.

Mudane Xasan Macallin oo ay wehliyeen xildhibaan Cadar Cali Shalaqbeen iyo xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa bogaadiyay dadaallada isku tashiga ah ee bulshadu ay ku horumarineyso deegaanka, waxuuuna kormeerka kadib bulshada deegaanka kula afuray gudaha deegaanka Gubta.

Wasiirka ayaa bulshada deegaanka ka ballan qaaday in dowladdu kala shaqeyneyso helidda adeegyada dowlaleed ee ay u baahanyihiin, si loo gaaro horumarka uu deegaanku hiigsanayo, arrintaan ayaa waxaa ay ka turjumeysaa isbedelka amni ee ka jira caasimadda Muqdisho iyo deegaannada hoos yimaada.