U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Dab La Qabadsiiyay Tuulada Eji oo La Ogaaday iyo Dadaallo Nabadeed oo Gobolka Ka Socda

Tuulada Eji Shabeellaha dhexe ayaa muddooyinkaan waxaa socda dagaal u dhexeeya laba beelood oo wada dega gobolka, tuuladaan oo dhacda jiinka Wabiga Shabeelle, waxaana ka dhashay khasaare kale duwan, waxaana marar badan badan dhacday in la gubay guryo ku yallo deegaanka.

Dhacadadii ugu dambeysay koox kamid ah labada beelood ayaa In ka badan 300 guri waxaa ay  ku gubteen tuulada Eji oo ka mid ah tuulooyinka dhaca jiinka wabiga shabelle, ee u dhaxeeya damooyinka Mahaday iyo Jalalaqsi ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib marki ay tuulada dab qabasiiyeen malleeshiyo beeleed deegaankaasi weerartay dhammaadki bishi aanu kasoo gudubnay ee Marso, mana jiro wax waan waan ah oo lagu soo gabagabeynayo dagaalka iyo weerarrada ka dhacaya tuuladaan Eji.

Tuulada Eji ayaa qiyaastii 52 km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Jowhar, halka ay 21 dhanka koofur galbeed uga beegantahay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, arrinta labadaan beelood ayaa muddo ka taagan tuulada mana jirto cid kasoo kala dhexgashay wali.

Odayaal dhaqameed  ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay bilaabeen dhexdhexaad ay ku qaboojinayaan xiisadda, waxaana tuulada gaaray mas’uliyiin iyo safiyiin soo qiimeynaya baaxadda uu dhan yahay khasaaraha ka dhashay dabka la qabadsiiyay tuulada Eji.

Inkastoo ay xabadda ay istaagtay haddana deegaanka waxaa ka muuqda burbur xooggan oo dabku uu geystay, tuulada laba meelood meel ayuu dabku gabi’ ahaan uu baabi’iyay, culimada iyo waxgaradku waxaa ay sheegayaan in ay wadaan dadaallo lagu xalinayo xiisadda.

Dhacadadii 27 Maarso wali waa midda deegaanka ka muuqata bulshaduna aysan ilaawin, dagaalka beelaha kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo dhowr jeer la isku dayay in la xaliyo wali xal lagama gaarin, wallow ay socdaan dadaallo lagu qaboojinayo dagaalka.