U bood dhigaalka

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Weerar Al-shabaab ay Ku Qaadeen Balcad iyo Khasarre Ka Dhashay

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ku bilowday qaraxyo oo Al-shabaab ay kusoo qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa beegsatay sedex barkoontarool iyo xafiis kamid ah degmada sida laga soo xigtay dadka deegaanka, weerarka ayaa dhacay aroornimadii hore ee saakay, waxaana sawirro laga soo qaaday degmada ka muuqda burbur xooggan oo ka dhashay.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur( Furdug) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyey in afaafka hore ee magaalada lagu dilay 11 xubnood oo ahaa Al-shabaabisku dayga weerar soo qaaday saakay, isagoo xusay khasaare soo gaaray dad shacab ah.

Weerarka ka dhacay degmada Balcad ayaa sidoo kale sababay burbur soo gaaray guryo ay lahaayeen dad shacab ah, saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in aysan jirin khasaare soo gaaray dadka shacabka ah marka laga reebo dhaawacyo sida laga soo xigtay.