U bood dhigaalka

Lixbilood Kadib Mamuuqdo  Rajo Lagu Soo Gabagabeynayo Dagaalka iyo Dhiigga Ku Daadanayo Ee Gaza

Dhexdhexaadiyayaasha ayaa la filayaa in ay dib u bilaabaan wadahadalada xabad joojinta ee caasimada Masar ee Qaahira, Xamaas ayaa wafdi u dirtay, waxaana la filayaa in golaha wasiirada Israa’iil ay kulmaan si ay go’aan uga gaaraan inay sidoo kale ka qeyb galaan kulamada Qaahira ee dadaalada lagu raadinayo.

Lix Bilood kadib dagaalka ayaa wali sii socda, mana jirto wax kaduwan in laga dhaxlay burburka magaalo 80% dhulka lala simay, geerida 33,000 oo shacab aan waxba galabsan ah, kaaga daran ay ku jiraan 13,000 oo caruur ah, Israel ayaa dhankeeda ka walwalsan maxaabiista gacanta u jirta Xamaas ee Gaza lagu hayo.

Lix bilood oo uu socday dagaalka Israa’iil ay ku hayso Qaza, ma jirto meel uu ku dhamaanayso colaadda ay kula jiraan ciidammada Israa’iil dagaalyahannada Falastiiniyiinta oo dagaal xooggan ku dhex maray agagaarka magaalada Khan Younis, maalin walibana waxaa ku dhimanaya boqolaal Falastiiniyiin ah oo waxba galabsan.

Xamaas ayaa sheegatay inay dishay 14 askari oo Israa’iiliyiin ah intii ay socdeen weerarro gaadmo ah oo halkaas ka dhacay, Israel ayaa dhankeeda aagaas kasii wadda duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka, waxaana sidoo kale socda dadaallada lagu doonayo xabadjoojin ka dhaqan gasha Lix bil kadib.

Tobanaan kun oo mudaaharaad Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay magaalada Tel Aviv iyagoo aad ugu baaqaya in uu iscasilo Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo heshiis lagu sii dayn lahaa maxaabiis laga heysto Israa’iili oo ay Xamaas gacanta ku haysay Gaza, kuwaas oo ay ku gorgortamayaan isku bedelsho.

Ugu yaraan 33,137 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 75,815 kalana waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October, weerarkaas ayaa lagu dilay 1,200 oo Israaiiliyiin ah, waxaana wali sii socda dagaalka mana jiro xal laga gaarayo sidii loosoo gababeyn lahaa xinjiruhu ku qubanaya Gaza Lix Bilood.