U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Iskushaandheyn iyo Waxkabedel Ku Sameeyay Golaha Wasiirrada

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federlka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku sameeyay xukuumaddiisa isku-shaandheyn golihiisa iyo wax ka badal kooban oo wasiirrada ah, isaga oo magacaabay Wasiirro kala duwan.

Wasiirrada ayaa waxaa ka mid ah: Axmed Macalin Fiqi ayaa loo magacaabay inuu noqdo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, halka Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka tirsan golaha shacabka loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha federalka dib u heshiisiinta dalka.

Wasiirrada kale waxaa ka mid ah: Generaalka Cabdullaahi Fartaag Wasiir Amniga Gudaha, Cabdullaahi Bidhaan wasiirka Tamarta iyo biyaha, Maxamed Aadan Macalin wasiika Boostada iyo Isgaarsiint iyo Axmed Cumar Maxamed Wasiiru-dowlahaha Wasaaradda Bay’adda iyo is-bedelka cimilada

Iskushaansheynta golaha wasiirradaan ayaa muddooyinkii dambe siweyn loo hadal hayay waxaana ugu dambeyn muddo kadib Ra’iisulwasaare Xamse uu magacaabay wasiirkiisa arrimaha dibadda, wasiir Fiqi ayaa markaan noqonaya wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya markiisii ugu horeysay sida la ogyahay.